Home Warar Puntland oo Ku Dhawaaqday Dagaal Somaliland Ka Dhan ah

Puntland oo Ku Dhawaaqday Dagaal Somaliland Ka Dhan ah

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay dagaal Cusub oo Somaliland looga xoreynayo taako kasta oo ay kaga sugantahay gobolka Sool.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland Xil.,Xuseen yaasiin xaaji Diiriye oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in ay Somaliland iska-xoreeyaan,sida Shacabka Buuhoodleba isaga xoreeyeen,islamarkaana aanay magacooda dhaafsan Dollar jeebka loogu shubo.

Dhawaan Ciidamada maamulka Somali-land ayaa dagaal kula wareegay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.