Home Warar Puntland oo Eedeen Culus u Jeedisay Madaxtooyadda Soomaaliya

Puntland oo Eedeen Culus u Jeedisay Madaxtooyadda Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Puntland, ayaa qaadacday Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaaray Kulankii Khadka Video-ga ahaa ee 22 bishan June ay yeesheen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaasi oo la isla gartay in la joojiyo Xeerarka horyaalla Golaha Shacabka.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Puntland, yay kaga digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damaca iyo rabitaanka gaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka, taas oo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka, islamarkaana abeen abuur lagu samaynayo Xeerarka iyo Shuruucda Waddanka.