Home Warar Puntland iyo Jubbaland oo Qaadacay Go’aanadii Shirkii Dhuusamareeb

Puntland iyo Jubbaland oo Qaadacay Go’aanadii Shirkii Dhuusamareeb

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Puntland iyo Jubbland ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamreeb ugu soo gabagaboobay madaxweynaha dowladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in shirkii Dhuusamareeb 3 ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka, qodobadii ka soo baxay ay yihiin aragtida madaxdii ka qeybgashay, sidoo kale Puntland iyo Jubbaland aysan qeyb ka ahayn laguna matalin.