Home Warar Puntland iyo JL oo Magacaabay Xubnaha Gudddiyadda Farsamadda Doorashadda

Puntland iyo JL oo Magacaabay Xubnaha Gudddiyadda Farsamadda Doorashadda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.

Sidaasi darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Puntland.

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

2- Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

*Xeerkan waxaa uu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug, kaas oo qabsoomay 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahayd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, shaqada guddigan ayaa ah in uu kasoo shaqeeyo hannaanka Doorashooyinka Dalka.

Hadaba Madaxweynaha Dowladda Jubbaland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Jubbaland

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.