Home Warar PL oo Shaacisay Dalalka Laga Leeyahay Maraakiib Si Sharcidaro U Kaluumaysata

PL oo Shaacisay Dalalka Laga Leeyahay Maraakiib Si Sharcidaro U Kaluumaysata

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasaaradda Kalluumaysiga Maamulka Puntland ayaa sheegtay inay jiraan Maraakiib Shisheeye oo si sharcidaro ah uga kalluumeysta Xeebaha Puntland.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Farah Cawaash Beeldaaje oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Bosaso ayaa shaaciyay tirada iyo magacyada maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kalluumeysi sharci darro ah xeebaha Puntland kawada.

Waxa uu sheegay Khayraadka kala duwan ee ka buuxa xeebaha Puntland inay si sharcidaro ah isaga guranayaan Maraakiibtaasi oo aanan haysan ruqsado kalluumaysi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ilaa 18 Markab oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan inay yihiin kuwa kalluumeysta, islamarkaana ay dacwad ka gudbiyeen sidoo kalena ay Ciidamo u direen Xeebaha Puntland.