Home Warar Osoble:-“Waan Ku Faraxsanay Cadaadiska Axmed Madoobe Lagu Hayo”,

Osoble:-“Waan Ku Faraxsanay Cadaadiska Axmed Madoobe Lagu Hayo”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Osoble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay culeyska Dowladda Federaalka Somaliya ay saartay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshadda ayuu ku sheegay in dhinacyadaasi uu soo dhaweynayo, isagoo xusay in dalka Somaliya ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegashada.

“Soomaaliya waa waddan ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegadka iyo is dulminta, sababtoo ah kama dhiidhiyaan khaladaadka ee wey isku eegtaan, markaasuu midba maalin cabaadaa.

Mac sokor ayey ku tahay Jubbaland, waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Koofur Galbeed ha iska daba wareegato, Galmudug, Hirshabeelle ha bakhtiso, Puntland ha faquuqnaato. Airporska ha la iska celiyo, guryahana ha la isugu daato. Doorashadana dib ha loo dhigo. Intaba waan ku faraxsanahay.

Ha la wada dhadhamiyo xaraarka uu dulmiga leeyahay. Xaraarka dulmiga wuxuu isu bedelaa macaan markaad aragto kii shalay kugu qoslaayay oo maanta cabaadaya.

Nin walboo dulmi ka sheeganaya waxaan leeyahay ‘Welcome to the club’, albaabadana wey furan yihiin. Dulmiga wuu bilowdaa ee m