Home Warar Odayaasha Magaaladda Cadaado oo Diiday Kulanka Raisulwasaare Kheyre!

Odayaasha Magaaladda Cadaado oo Diiday Kulanka Raisulwasaare Kheyre!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Odayaasha dhaqanka Magaaladda Cadaado ayaa diiday inay la kulman Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo saakay soo gaaray Magaaladaas.

Odayaasha Magaaladda Cadaado ayaa sheegay in Kheyre uga baxay balan hore haatana aysan la kulmi doonin

Raisulwasaare Khayre oo la kulmay siyaasiyiinta deegaanka ayaa ka codsaday in la taageero qorshihiisa Galmudug sidoo kalena lala kulan siiyo odayaasha balse siyaasiyiinta ayaa u sheegay Khayre in talada reer Cadaado ay ka go,do odayaasha dhaqanka

Dhanka kale wafdiga Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhow u amba bixi doona magaaladda Gaalkacyo ee gobolka mudug.