Home Warar Odawaa iyo Kamal Guutaale oo Ka Hor Yimid Guddiga Farsamadda Galmudug

Odawaa iyo Kamal Guutaale oo Ka Hor Yimid Guddiga Farsamadda Galmudug

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee kala ah Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Kamaal Guutaale ayaa ka horyimid Guddiga Farsamadda Galmudug ee dhawaan soo magacowday dowladda Federaalka Somaliya.

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in Xubnaha la magacaabay ay yihiin kuwa aan u qalmin Guddiga doorashadda.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Madaxda Villa Soomaaliya ay gadaal ka riixayaan musharax ay wataan,taasina ay meesha ka saarayso hadalkii ahaa Galmudug loo dhan yahay.