Home Warar NISA oo Baahisay in uu Iscasilay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee Gobolka Banaadir.

NISA oo Baahisay in uu Iscasilay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee Gobolka Banaadir.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu iscasilay Madaxii Amniyaadka (Dilalka), Al-shabaab ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in uu iscasilay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee Gobolka banaadir oo magaciisa lagu sheegay  Muuse Mo’allim Macaawiye.

“Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay”,ayaa lagu yiri warka Nisa.

Bishaan Febraayo 3-deeda ayay ahayd markii NISA ay baahisay in ay isku dhaceen hogaanka Al-shaabab ee ka ah Hogaamiyaha Al-shabaab iyo Ku-xigeenadiisa.

Majirto wax war oo ka soo baxay dhanka Maleeshiyaadka Al shabaab oo looga hadlay warka ay baahisay hay’adda Nabad Sugida Dowladda Soomaaliya.