Home Warar Nin Xirnaa Dharka Dumarka oo Xalay lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

Nin Xirnaa Dharka Dumarka oo Xalay lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Nin xirnaa dharka dumarka ayay Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya waxa ay xalay ku qabteen Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhaw Iskuulka Godey.

Haweenka Degmadda Kaaraan ayaa ka shakiyay ninkaan waxaana lagu wargaliyay Ciidamadda Booliska,waxayna ku guuleysteen in ay qabtaan.

Ninkaan ayaa xirnaa Cabaayad Madow, Xijaab Madow ah iyo Indha Shareer,waxaana ku sugnaa goob ay haween fara badan ay ku sugnaayeen.

Ciidamada ammaanka oo baaritaan guud ku sameeyay ninkan ayaa ka waayay wax Hub ah oo uu watay, balse waxaa looga shakisan yahay inuu sirdoon u yahay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay xeeladaha ay adeegsadaan Al Shabaab, balse ciidamada ammaanka mar walba ay ka shaqeynayaan ka hortagida falalka nuucaan oo kale ah.