Home Warar Murugo:-“Nin Walaalkiisa La Dhashay Ku Dilay Magaaladda Muqdisho”!

Murugo:-“Nin Walaalkiisa La Dhashay Ku Dilay Magaaladda Muqdisho”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Wiil, Walaalkiisa ku dilay maanta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolkaan Baanadir.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labadda wiil oo wada dhashay ay murmeen,taasina ay keentay in mid kamid ah la dilo.

Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay AlaHa u Naxariistee Cabdi Naasir Nuur Ciroobe,waxaana falka geystay Xasan Nuur Ciroobe.

illaa 10 mar ayaa la sheegay inuu jirkiisa galiyay tooreyda kadibna halkaasi uu isaga cararay sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana goobta ku geeriyooday marxuumka.

Dhanka kale Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dayniile oo meesha tagay ayaa waayay gacan ku dhiiglaha oo baxsaday, waxaana socota baadigoobka Marxuumka loogu jiro.