Home Warar Nin Passport Somali Ku Raadinayay Dhalashada Ireland oo La Xukumay

Nin Passport Somali Ku Raadinayay Dhalashada Ireland oo La Xukumay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamad ku taal dalka Ireland ayaa xukun ku riday nin Somali ah oo lagu eedeeyay inuu dhalasho dalkaasi ku raadinaayay Passport Somali been ah.

Xasan Macow ayaa la soo taagay maxkamadda, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan €300 oo lacagta Yuurada ah.

Garsooraha Maxkamadda Eirinn McKiernan, ayaa sheegay in Xasan sanadkii 2016-kii lagu helay adeegsiga baasaboorka bugga ah markiisii horena la qaabilay isaga oo magangalyo doon ah sanadkii 2011kii.

Maxkamadda ayaa sheegtay in qof Soomaaliya uu Baasaboor been abuur ah u soo sameeyay, qeybta sare ee Baasaboorka ayey Maxkamadda sheegtay in uu ahaa mid sax ah laakiin warqadaha gudaha ku jira ay ahaayeen kuwo been ah.

Macoow mar la wareystay waxaa uu sheegay in Baasaboorka uu u maleeynayay mid dhab ah islamarkaana uusan ka warqabin in uu bug ahaa.

Baasaboorka ayaa laga sameeyay dalka Beliumka waxaana looga qaaday sida uu sheegay lacag dhan $150 doollar.

Xasan Macoow ayaa sidoo kale lacag dhan €300 oo yuuroo oo damiin ah lagu siidaayay,waxaana wali socda kiiskiisa sida ay sheegtay Maxkamadda.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in Xasan Macoow uu ka shaqeysan karo Baska Magaalada Dublin ee dalka Ireland.