Home Warar Nin Hurdo Ku Qarway oo Kasoo Dhacay Hoteel Ku Yaala Muqdisho!

Nin Hurdo Ku Qarway oo Kasoo Dhacay Hoteel Ku Yaala Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacday dhacdo Ugub ah kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu qarway, kadibna uu kasoo dhacay dabaqii uu deganaa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel ku dhaw Hotelka Muna, dhisme ku yaallo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka  dhacdadaan ayaa dhacday xalay 3:00AM habeenimo,wuxuuna ninka kusoo dhacay dabaq kale oo ka gaaban dhismihii,taasi oo keentay inuu ka jabo laf dhabarta, waxaa kale oo burburay qeybta midig ee jirkiisa.

Dhanka kale Gaadiidka Gurmadka Deg Deg ah oo gaaray goobta ayaa qaaday ninka kasoo dhacay Hotelka Muna.

Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir C/fitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho la geeyay oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo, waxaana uu dadka Muqdisho ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco.