Home Warar Nin hubeysnaa oo lagu toogtay magaalada Muqdisho+Sababta

Nin hubeysnaa oo lagu toogtay magaalada Muqdisho+Sababta

SHARE

Wararka naga soo gaaraya Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka  toogteen nin hubeysnaa oo dhaawacay Askari.

Saeaakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in markii hore qofka hubaysnaa uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ku sugan isgooyska Bakaaraha kadibna isaga toogasho lagu dilay.

Dhinaca kalana waxaa la sheegay in uu baxsaday qof kale oo la socday kan la toigtay mooto ay ku socdeena uu ku baxsay,sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.