Home Warar Nabadoon Ibraahim Jeeri oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Kismaayo!

Nabadoon Ibraahim Jeeri oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Kismaayo!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee jubbaland ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu khaarijiyay nin Nabadoon ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Shaqaalaha ee magaaladda kismaayo oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaaladda.

Qof kamid ah dadka ku sugan kismaayo oo la hadlay warbaahinta Gundhig ayaa sheegay in dabley hubeysneyd ay fuliyeen dilka Nabadoon Ibraahim jeeri oo kamid ahaa nabadoonadda Beesha Jareerweyne ee Jubbland dagta,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamadda amaanka jubba-land ayaa durbadiiba gaaray goobta uu falka ka dhacay waxaana socda howlgal lagu baadigoobayo ragga dilka fuliyay.

Nabadoon Ibraahim jeeri ayaa dhawaan kasoo hor muuqday shaashadaha xili uu fariin cabasho ah u gudbinayay Musharax madaxweyne C/rashiid Xidig.

Waxa uu xiligaas sheegay in dhibaatooyin lagu qabo Maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) Madaxweynaha Jubba-land,Kaasi oo cadaadis ku haya shacabka Magaaladda kismaayo.