Home Warar MW Farmaajo oo Sheegay in Wasiir Janan Maxkamadd Lasoo Taagayo!

MW Farmaajo oo Sheegay in Wasiir Janan Maxkamadd Lasoo Taagayo!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo maalmihii dambe Magaaladda Muqdisho u joogay arinta Xariga Wasiir Janan ayaa sheegay in ay la kulmeen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo kamid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu u sheegay In Dowladda kaliyah aysan dambi ku haysanin wasiir C/casiis Janan,balse hay’ado ka shaqeeya xuquuqul insaanka ay sidoo kale haystaan Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uu ergada u sheegay in Wasiirka la horkeeni doono maxkamad, si cadaaladda loogu qaado, haddii eedeymaha loo haysto ay sax noqdaan.

“Wuxuu Madaxweynuhu nagu yiri hay’ado caalami ah iyo dad ayaa dacweynaya, sidaas awgeed lama sii deyn karo, sharciga ayaana loo bandhigaya. anagu waxaan samayn karnaa oo keliya inaanan ninkaasi cadaalad-darro lagu samaynin, in si cadaalad ah arrintiisa loo galo, sidaasaa samayn karnaa, laakiin sii deyn malaha, caqli ahaan iyo maskax ahaan anaga waxay noola muuqatay arrimo siyaasadeysan inay tahay, sababtoo ah hadda ka hor waxaan arkeynay Maxkadda Gobolka Banaadir oo kiisaska hadda lagu eedeynayo daaqadda ka tuurtay oo arrintaas beenisay.”

31-kii bishii hore ee August ayaa lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan)