Home Warar MW Deni oo Diiday Dalab Kaga Yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya

MW Deni oo Diiday Dalab Kaga Yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ku gacan seyray dalab ugu yimid dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in uusan ka qeyb galin Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaaladda Boosaaso ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweyne Deni,waxaana la xaqiijiyay in Deni ku Gacan seyray dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirrada la kulmay madaxweyne Deni oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, waxa kamid ah wasiirka Arrimaha debadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorshaynta, Jamaal Xasan Maxamed, wasiirka Kalluumeysiga , Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo xubno kale.

Wasiiradda ayaa madaxweyne Deni waxa ay  u soo bandhigeen in la xalliyo khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, si meesha looga saaro mad-nadowga labada dhinac,waxayna dalbadeen in Puntland aysan ka qeyb-gelin munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan.

Deni ayaa wefdiga u sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay in wada-hadal lagu xalliyo, khilaafka kala dhexeeya Villa Somalia, haddii si dhab ah looga wada-hadlayo dhammaan arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac,balse, wuxuu gebi ahaanba diiday dalabkii ay hor-dhigeen ee ku aaddanaa in aysan Puntland ka qeyb-gelin caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.