Home Warar Muxiyadiin:-“Argagagaxisadda Waxay Galeen Jaamacadaha iyo Iskuuladda”,!

Muxiyadiin:-“Argagagaxisadda Waxay Galeen Jaamacadaha iyo Iskuuladda”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliyaha Booliska Puntland Jeneraal Axmed Muuse oo la hadlay Wabaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay amniga deeganadda maamulka, iyo howlgalo ka socda Magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in howlgaladda la sameeyay lagu soo qa’qabtay dad kala duwan oo ku eedaysan argagixiso, tahriibin iyo dhalinyarada abaabulan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka magaaladda, kuwaasoo baaritaan lagu wado, sida uu xusay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkii ka dambeeyay dil habeen ka hor loo geystay, xisaabiyihii guud ee shirkadda ganacsiga Horseed, Salaad Cabdi Cukaash.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono,argagixisadu waxay gashay jaamcadaha, waxay gashay mac’hadada, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeyaan Hay’adaha amaanka islamarkaana ay sheegaan ragga dambiilayaasha.