Home Warar Muwaadiniin Kenyaan ah oo u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Jubbaland

Muwaadiniin Kenyaan ah oo u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Jubbaland

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland ayaa lagu wadaa in 22-ka bishaan lagu doorto Magaaladda kismaayo ee Caasimadda KGM ah ee Jubbaland, sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka iyo Xaduudaha Maamulkaas.

Doorashadda waxaa u taagan dhowr musharax uu kamid yahay Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa xaqiijiyay in doorashadda kismaayo ka dhacaysa musharixiinta tartamaysa ay kamid yihiin 3-kenyaan, oo haysta dhalashada dalka Kenya islamarkaana doonayaan in ay hoggaamiye ka noqdaan Dowladd goboleedka Jubbaland.

Muwaaddiniinta Kenyaanka ah ee ku jira doorashada Jubaland ayaa waxaa ay kala yihiin Shiikh Maxamed Shakuul, Maxamed Marsheeye iyo Abdi Raage oo heysta dhalashada Kenya.

Xubnahaan oo si hoose ula hadlay wargeyska the Star ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay soo faragaliso doorashadda Kismaayo ka dhacaysa.

Doorashadda Jubbaland waxaa laga muujinayaa walaac fara badan oo ay qabaan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee uu tartanka kala dhaxeeyo Axmed Madoobe, odayaasha dhaqanka deegaanada Jubbaland iyo siyaasiyiinta  aan taabacsaneen Axmed Madobe.

Sidoo kale waxaa jira loolan u dhaxeeya Dowladaha Kenya, Qadar iyo Ethopia oo wata Musharixiin ay doonayaan in ay kusoo baxaan doorashadda Jubbaland.