Home Warar Muwaadin u Dhashay Kenya oo Lagu Dilay Magaaladda Boosaaso

Muwaadin u Dhashay Kenya oo Lagu Dilay Magaaladda Boosaaso

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ku waramaya in askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska maamulkaas uu dilay nin u dhashay dalka Kenya.

Ninka kenyaanka ee la dilay ayaa waxa uu ka shaqeyn jirey Shirkad qaabilsan Kalluumeysiga oo xarun ku leh Magaaladda Boosaaso.

Askariga dilka gaystay iyo Ninka Kenyanka ah ayaa waxaa soo kala dhex galay muran kaasi oo ugu dambeyn sababay dilka ninka Kenyanka ah.

Dhanka kale Ciidamadda booliska Magaaladda Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geystay,wuxuuna la geeyay Saldhiga Magaaladaas.