Home Warar Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Dilay Magaaladda Ottawa!

Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Dilay Magaaladda Ottawa!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Ottawa ee dalka Canadda waxaa lagu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cigaal Daa’uud oo 30 jir ah.

Meydka Muwaadinkaan ayaa laga dhex helay gaari dhexdiisa sida Booliska Magaaladaas ay sheegeen.

Booliska waxa ay sheegeen in Meydka wiilka uu in ka badan 24 saac dhex yaallay Gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhexdilay, haatana baaritaano ay kuwadaan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan garan Karin in wiilka rasaasta lagula dhuftay isla goobta iyo in inta meel kale lagu soo dilay.

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan Magaaladda Ottawa ee dalka Canada ayaa aad kaga xumaaday falkaan lagu dilay Muwaadinka Soomaliyeed.