Home Warar Muuse Biixi oo Dowladda Soomaaliya Ku Tilmaamay Dameer Ciyey!!

Muuse Biixi oo Dowladda Soomaaliya Ku Tilmaamay Dameer Ciyey!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay magaalada hargeysa ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowladda federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi oo meel fagaare ah kula hadlayay Shacabkiisa ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda Somalia ay ka dhigan tahay gef ay u geysteen dalka Gini iyo mid kale oo ay Somaliland u geysteen, kaasoo ka dhigan inaysan noqon karin dal.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku goodiyey inay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan haddii loo baahdo cudud dhibaatadda ay wado dowladda Somaliya.

“Warka kasoo yeeray dowladda Xamar fadhida ee AMISOM ilaaliso waa mid la iska yiri, waxaan leeyahay annagu ma nihin Maamul Goboleed, wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”, ayuu yiri Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay maalintii khamiista aheyd Jamhuuriyadda Guinea ee Galbeedka Qaaradda Afrika.

Sababta ay Soomaaliya Xiriirka ugu Jirtay Guinea ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku sheegay in dalkaasi uu ku xad-gudbay Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.