Home Warar Muuse Biixi oo Cafis u Fidiyay Mas’uul Xilal Kasoo Qabtay Dowladda Soomaaliya

Muuse Biixi oo Cafis u Fidiyay Mas’uul Xilal Kasoo Qabtay Dowladda Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sida lagu daabacay qaar kamid ah Wargeysyada ka soo baxa Magaaladda Hargeysa ee Somali-land Madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Maxamed C/llaahi Oomaar.

Oomaar oo shalay dib ugu laabtay Hargeysa ayaa  labo jeer noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen-ka dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif  Shiikh Axmed.

Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa la sheegay In uu ka tanasulay fikirkii uu horay u aaminsanaa, islamarkaana uu garawsaday qadiyada gooni isu taagga ee Maamulka Somaliland, dhawaana uu warbaahinta la hadli doono.

Waa mas’uulkii koowaad ee Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyo,halka madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Siilaanyo uu cafis u fadhiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Ismaaciil Hurre Buubaa, iyo Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa Musharaxiinta Madaweynaha doorashadii Soomaliya ka dhacday sanadkii 2012-ka.

Xubno kasoo jeeda deeganada Somali-land ayaa xilal ka haya Dowladda Soomaliya,mana awoodaan in ay tagaan deeganada maamulkaas.