Home Warar Muuse Biixi:-“Ma Aqbalayno in DFS Naloo Soo Marsiiyo Deeqaha”,!

Muuse Biixi:-“Ma Aqbalayno in DFS Naloo Soo Marsiiyo Deeqaha”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta jeediyay khudbad dheer oo ku saabsan munaasabada 18-ka May ayaa sheegay in marba aysan aqbali doonin in deeqaha beesha caalamka loosoo marsiiyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in maamulkiisu uusan marnaba aqbali doonin deeqaha Somaliland lagu caawinayo in loo soo marsiiyo dowlada Soomaaliya,  waxa uuna tilmaamay in labo dal hada kala yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

”Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa gar-gaar kasta iyo deeq kasta oo beesha Caalamku ku caawinayso,balse marna aqbali mayso gar-gaar iyo deeq kasta oo la soo mariyo Soomaaliya, oo ay mar wax wada lahaan jireen Somaliland, balse ay hadda yihiin laba dal oo kala madax-bannaan. Gar-gaarkaa iyo deeqdaasina waxaanu u aragnaa mid la siyaasadeeyey oo aan ku iman niyad wanaagsan” ayuu yiri Muuse Biixi.