Home Warar Muuse Biixi:-“in aan Aqoonsi Helno Somaliya ayaa Naga Hortaagan”,!

Muuse Biixi:-“in aan Aqoonsi Helno Somaliya ayaa Naga Hortaagan”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland ayuu sheegay in caalamka  oo dhan aqoonsi ay ka haleen,balse ay caqabad ay ku noqotay Soomaaliya.

“Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu yiri madaxwayne Biixi.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay qabashadda Doorasho qof iyo cod oo Somaliland ka dhacda.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore eedeemo kala duwan u jeediysay Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo ku aadan arrimaha aqoonsiga, iyo dhaqaalaha.