Home Warar Musharixiinta Jubba-land oo Shuruudo Ku Xiray Qabsoomida Doorashada

Musharixiinta Jubba-land oo Shuruudo Ku Xiray Qabsoomida Doorashada

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo ayaa soo saaray shuruud ku saabsan hannaanka doorashada Jubbaland.

Ilaa 8-qodob ayay soo saareen Musharixiinta si loo qabto doorashadda Magaaladda Kismaayo ka dhacaysa,waxayna qoraalkooda u direen Beesha Caalamka.

  1. . In la kala diro guddi ku sheega doorashada Jubbaland.
  2. In la magacaabo guddi doorasho oo cusub
  3. In odayaasha dhaqanka rasmiga ah oo kaliya ay xildhibaanada so xulaaan
  4. In halkii boos hal magac oo kaliya uu odey dhaqameedku soo gudbiyo
  5. In doorashada lagu qabto goob dhex-dhexad ah sida Xerada UN-ka
  6. In ay AMISOM ay ilaaliso amniga doorashada iyo kan musharixiinta
  7. In Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan doorashada.
  8. In warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxaligaba ah ay doorashada si toos ah u tabiyaan.