Home Warar Mursal:-“Farmaajo Hasoo Magacaabo RW Badali Lahaa Kheyre!

Mursal:-“Farmaajo Hasoo Magacaabo RW Badali Lahaa Kheyre!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo goordhaweyd warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa eedeen u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kalsoonidda lagala Noqday.

Waxa uu sheegay in Xukuumadii uu hogaaminayay Raisulwasaare Kheyre ay ku fashilantay hannaanka gaarista doorasho qof iyo cod  ah iyo maqaamka caasimada,afti u qaadida meel marinta dastuurka,hirgelinta axsaabta siyaasadeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya in Xukuumadda Soomaaliya ay ku fashilantay in la diyaariyo Ciidamo lagu aamino sugidda amniga dalka.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in cod uu u qaaday kala noqoshada kalsoonida Xukuumadda hadda jirta ee xasan cali kheyre,ayna ogolaatay 170 waxaa diiday siddeed xildhibaan wax ka aamusay ma lahan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka dalbaday Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), in uu soo magacaabo Raisulwasaarihii badali lahaa Xasan Cali Kheyre.