Home Warar Muqtaar Roobow oo Ku Wajahan Magaaladda Baydhabo

Muqtaar Roobow oo Ku Wajahan Magaaladda Baydhabo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab ee Soomaliya ee dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Soomaliya ayaa saakay ka dhoofaya Garoonka Diyaardaha Magaaladda Muqdisho isagoona ku wajahan Magaaladdda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga muqtaar Roobow ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo,wuxuuna ugu sii gudbi doonaa Degmada Xudur ee Gobolka bakool oo markii hore uu ku sugnaa.

Magaaladda Baydhabo waxaa shalay Gaaray wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Cabdirashiid C/laahi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa gabi-ahaanba saakay magaaladda amnigeeda la wareegay Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.