Home Warar Mid Kamid ahaa Ragii Wax Ka ogaa Qaraxii Zoobe oo La Toogtay

Mid Kamid ahaa Ragii Wax Ka ogaa Qaraxii Zoobe oo La Toogtay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa saakay xukun toogasho ahaa ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari Noha ah oo qarax uu saarnaa , kaasi oo lagu qabtay Xaafada Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir, sanadkii 2017-kii maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe 14-kii October.

Ninkaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa Qaraxii masiibada ahaa ee shacabka Somaliyeed lagu laayay 14-kii October, maanta oo kale.

Waa xukunkii ugu horeeyay oo dil toogasho ah oo ay fuliso Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka Madaxtinimada Somaliya loo doortay.

Dhanka kale Xus arintaas ku aadan ayaa maanta lagu qabanayaa Isgoyska Zoobe,waxaana ka qeyb galaya Madax Ka tirsan Dowladdda iyo boqolaal shacab ah.