Home Warar Mid Kamid ahaa Ergadii Doorashadda oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

Mid Kamid ahaa Ergadii Doorashadda oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dabley hubeysneyd ayaa caawa Degmadda Howlwadaag ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ahaa ergadii doorashadda Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ala ha u naxariistee ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cali Xoodey,wuxuuna kamid ahaa ergadii doorashadda Xildhibaanadda baarlamaanka Sooomaaliya ee Hir-shabeelle laga soo doortay.

Dhalinyaro bastooladdo ku hubeysneyd ayaa la xaqiijiyay in ay  dileen Cali, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Howlwadaag uu ku lahaa Maqaayadd yar oo lagu iibiyo shaaha iyo cabitaanka.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Saldhiga howlwadaag oo goobta ka ak dhawaa ayaa ku guuldareystay qabashadda kooxihii ka dambeeyay dilka.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka loo geysto ergooyinkii doorashadda xildhibaanadda waxay maanta sidoo kale nin kamid ahaa ergadii doorashadda ay ku dileen Degmadda Afgooye.