Home Warar Maxkamadda ICJ oo Shaacisay Xiliga La Bilaabayo Dacwadda Badda

Maxkamadda ICJ oo Shaacisay Xiliga La Bilaabayo Dacwadda Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysay Somalia iyo Kenya inay dhacayso 15 March.

Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague  saacadu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay Video uga qayb galayaan.

Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama Video ayeey uga qayb gali karaan.

Diblomaasiyiinta, Wariyayaasha iyo Dadwaynaha waxay dhagaysiga Maxkamadda kala socon karaan Bogga Qaramadda Midoobay.