Home Warar Maxkamadda ICJ oo Dib u Dhigtay Waqtiga La Dhageysanayo Dacwadda Badda

Maxkamadda ICJ oo Dib u Dhigtay Waqtiga La Dhageysanayo Dacwadda Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ) ayaa waxay go’aan rasmi ah kasoo saartay waqtiga la dhageysanayo dacwadda murunka la xiriira Badda Somaliya.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda la sii amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka soo socda.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda.