Home Warar Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun Ku Riday Nin u Dhashay Britain

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun Ku Riday Nin u Dhashay Britain

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa maanta go’aan ka gaartay Kiiska Andrew Braian Irlam oo u dhashay dalka Ingiriiska

Ninkaan oo 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah ku jiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa.

Andrew Braian Irlam ayaa lagu eedeeyay inuu qal qalgaliyay ammaanka Garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, waxaana maanta Maxkamadda Gobolka Banadir ay ku xukunty inu bixiyo lacag gareysa  $7,000.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.