Home Warar Maxkamada ICJ oo u Yeertay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Soomaalia iyo Kenya

Maxkamada ICJ oo u Yeertay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Soomaalia iyo Kenya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa ku waramaya in halkaas uu galabta gaaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, kadib markii ay u yeertay Maxkamadda ICJ oo ay taalo dacwada badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya.

Dhanka kale Qareenka Guud ee dalka Kenya Kennedy Ogeto ayaa isna gaaray magaalada Hague oo sidoo kale looga yeeray, iyadoo arrimo cusub ay ka soo kordheen kiiska badda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in masuuliyiinta labada dal la ogeysiinayo go’aan kama dambeys ah oo Maxkamadda ICJ ka gaareyso xiliga dhageysiga dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Maxkamada la gaarsiiyey codsi cusub oo Kenya ku dooneyso in dhageysiga Maxkamadda dib loogu dhigo illaa September sanadka 2020 taasoo Somalia ay si weyn u diidan tahay.