Home Warar Maxkamada Hargeysa oo Mar Kale Xukun Ku Rriday Boqor Buurmadow!

Maxkamada Hargeysa oo Mar Kale Xukun Ku Rriday Boqor Buurmadow!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Racfaanka Hargeysa ayaa xukunka ka khafiifisay boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw, kadib markii uu racfaan ka qaatey xukun 5 sano oo xabsi ah oo dhawaan Maxkamada Maroodi-jeex ku riday.

Maxkamadda Rac-faanka oo maanta mar kale dib u furtay kiiska ayaa ku xukuntay Boqorka saddex sano oo xabsi ah, sida ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Rac-faanka ee maamulka Somaliland.

Boqor Buur-madow ayaa waxaa lagu soo eedeeyay laguna xukumay inuu ka been abuurta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inuu ka qayb-galay Caleemasaarka Ugaaska Beel-daaje iyo waliba dacaayad ka dhan Somaliland