Home Warar Maxay Kawada Hadleen Xasan Shiikh Maxamuud iyo Taliye Fahad Yaasiin?

Maxay Kawada Hadleen Xasan Shiikh Maxamuud iyo Taliye Fahad Yaasiin?

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Taliyaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa kulan ku yeeshay xalay Magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid albaabadda ay u xirnaayeen ayaa la sheegay in looga hadlay arrimaha hadda taagan.

Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xubin ka ah Xisbiga UPD oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in kulanka uu ahaa booqasho sharafeed iyo sallaan uu soo codsaday Taliyaha Nabadsugida, balse aanu aheyd mid siyaasadeysan.

“Kulanka wuxuu ahaa booqasho sharafeed iyo sallaan, waxaa soo codsaday Taliyaha Nabadsugida, ma aheyn mid siyaasadeysan mid shaqsi ah oo xog wareysi ayuu ahaa,dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya”ayuu yiri Sanbaloolshe.