Home Warar Maxamuud Sayid Aadan:-“Wasiir C/rashiid Janan Waa La Afduubtay”,!

Maxamuud Sayid Aadan:-“Wasiir C/rashiid Janan Waa La Afduubtay”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Maamulka Jubba-land Maxamuud Sayid aadan ayaa ka hadlay xariga wasiirkii  Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan).

Waxa uu sheegay in odayaal, aqoonyahano iyo ganacsato ay ugu tageyn Dowladda Federaalka sidii dib xoriyadiisa loogu siin lahaa Wasiir Janan,balse shuruud lagu xiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan aqbali Karin sharuudaha Dowladda Soomaaliya ay ku xirtay sii deynta wasiir Janan,islamarkaana aysan haatan ka warhaynin xaaladiisa Caafimaad.

“Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland soo wareejiya, dowladaha deriska ha la macaamilina iyo Jubbaland doorashadeedii ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay,runtii C/rashiid aad baan uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo muddo 30 daqiiqo ah habeen saq dhexe ay tuseen.” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland.