Home Warar Maxamed Nur Gacal oo Noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Maxamed Nur Gacal oo Noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Waxaa lasoo gaba-gabeeyay Wareega Koowaad ee Doorashadda Gudoomiyahaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

C/llaahi Axmed Calasow Shiine oo ahaa Musharaxii 3aad ee u tartamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Wareega Koowaad waxaa ku tartamay labo Musharax oo kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan.

Tartanka labada Musharax ayaa la sheegay in Musharaxii hela 3 meel labo meel ama cod hal dheeri ah uu ku guuleysanayo, sidaasna aan wareeg labaad la aadi doonin, haddii aysan codod xumaan.

Xildhibaan Dr. Maxamed Nur Gacal ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug kadib doorasho maanta oo  jumco ah ka dhacay Dhuusamareeb.

Dr Gacal ayaa helay 54 Cod  halka, Cabdinasir Aaden Cismaan oo la tartamay uu helay  34 cod iyo hal cod oo halaabay, waxaana sidaasi ku guulaystay  Xildhibaan Dr. Maxamed Nur Gacal, oo noqonaya Gudoomiyaha Baarlmaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.