Home Warar Maxaa Ka Jira In Mooshin Laga Wado Gudoomiye C/weli Muudey?

Maxaa Ka Jira In Mooshin Laga Wado Gudoomiye C/weli Muudey?

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro mooshin laga wado guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Shiikh Ibraahim Muudey.

Mooshinka waxaa hor boodaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoonan karo.

Gudoomiye Muudey ayaa kasoo horjeeda sharciga Doorashooyinka oo hada horyaala Baarlamaanka, kaasoo qorshaha Madaxtooyada iyo Xukuumadda wadato uu yahay in doorashada Madaxweynaha ay noqoto mid ay doortaan dadweynaha, halkii ay horay Xildhibaanada u dooran jireen.

Xildhibaano ku dhow Madaxtooyada ayaa la sheegay inay hormuud u yihiin Mooshinka la doonayo in laga keeno Guddoomiye Muudey oo loo arko inuu caqabad ku yahay sharciga doorashooyinka dalka, ayna jireen kala aragti duwanaan isaga iyo Madaxweynaha oo ku saabsanaa sharciga doorashooyinka ee bishii hore ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda balse haatan horyaala Baarlamaanka Somaaiya..

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Shiikh Ibraahim Muudey,ayaa haatan safar ku jooga dalka turkey-ga,waana shaqsi awood badan ku leh Baarlamaanka Soomaaiya,madaama uu kaalin weyn ku lahaa ridistii Gudoomiye Jawaari.