Home Warar Ma’uul Ka tirsanaa Maamulka Degmadda Hodan oo Lagu Dilay Muqdisho

Ma’uul Ka tirsanaa Maamulka Degmadda Hodan oo Lagu Dilay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dabley hubeysneyd ayaa caawa waxa ay Magaaladda Muqdisho ku dileen Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Degmadda Hodan.

Dilkaan ayaa xiligii maqribkii ka dhacay Xaafadda Siigaale ee Degmadda Hodan.

Mas’uulka la dilay ayaa ahaa Gudoomiye Laameed ka Tirsanaa Maamulka Degmadda Hodan,waxaana Magaciisa lagu Sheegay Liibaa Qiyaamo,waxaana dilkiisa fuliyay rag hubeysnaa oo goobta ka baxsaday.

Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay wiil magaciisa ku sheegay Liibaan,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Goobta lagu Dilay Liibaan ayaa waxaa horey loogu dilay Kaaliyihii Maxkamaddda Gobalka Banaadir, C/laahi Xasan Canshuur, Xeer Illaaliye Xigeenkii Qaranka, Maxamad C/raxmaan, Saraakiil, iyo Gudoomiye Laameedyo.