Home Warar Mas’uuliyiintii Hore ee Degmada Maxaas oo Maxkamadd Lasoo Taagay

Mas’uuliyiintii Hore ee Degmada Maxaas oo Maxkamadd Lasoo Taagay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta la horgeeyay mas’uuliyiintii hore ee Maamulka Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta maxkamadda la horgeeyay ayaa kala ah C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahin Mahad Alle oo ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Degmadaasi.

Labadda Xubnood ayaa loo haystaa eedeymo ku aadan qarax uu ku dhintay Gudoomiye Ku xigeenkii arrimaha amniga iyo Siyaasadda Degmada Maxaas iyo shaki ku aadan in ay ku lug lahaayeen falkaas.