Home Warar Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amaanka oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amaanka oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaanadda hortagaya Taliyayaasha Ciidamadda Booliska, Milatariga, Nabadd Sugidda,Asluubta, Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ah mid albaabadda ay u xiran yihiin ayaa waxaa xildhibaanadda ay su’aalo weydiin doonaan mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga Magaaladda Muqdisho oo ay ka dhaceyn qaraxyo iyo dilal ay geysteen Ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab.

Fadhigii kan ka horreeyay ee dhici lahaa 6-dii bishaan ayaa baaqday markii Xildhibaanadda Golaha shacabka ay isku qabsadeen in saxaafadda ay kulanka joogto iyo in dibadda loo saaro.