Home Warar Mas’uuliyiin Lagu Xanibay Garoonka Nairobi oo Muqdisho Lagu Soo Celiyay!

Mas’uuliyiin Lagu Xanibay Garoonka Nairobi oo Muqdisho Lagu Soo Celiyay!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaalada Muqdisho waxaa saakay dib loogu soo celiyay 3-mas’uul oo ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo shalay lagu xayiray Garoonka Magaaladda Nairobi.

Wasiir ku-xigeenka biyaha Cusmaan Libaax iyo Senetarada kala ah Ilyaas Cali iyo Zamzam Cali ayaa loo diiday in ay galaan magaaladda Nairobi.

Kenya ayaa diiday dal ku galka ama Visaha (On Arrival) ee Garoonka looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiiradda dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Saraakiisha waaxda Socdaalka Kenya ayaa masuuliyiintaan u sheegay xalay in aysan amar u heysan in baasaboorada ay wataan ee Soomaaliga aysan ugu dhufan karin viisaha oo horey garoonka dhaxdiisa kaga qaadan jireen mas’uuliyiinta.

Wasiir Ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax ayaa sheegay in xalay dhax seexdeen gudaha garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxa uuna ka gaabsaday in uu ka hadlay waxa sababay arintaan.

Kenya ayaa horey u qaadatay go’aan ah in diyaaradaha ka baxa Garoonka Diyaaradaha magaalada muqdisho ay baaritaan ku maraan magaalada Wajeer,hal markii hore ay toos ugu dagi jireen garoonka Joma kenyata.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay haatan dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo go’aanka Dowladda Kenya ay qaadatay.