Home Warar Masuuliyiin Ka Tirsan Hirshabelle oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Duleedka Balcad

Masuuliyiin Ka Tirsan Hirshabelle oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Duleedka Balcad

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo ka dhacay Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay duleedka Balcad gaar ahaan deegaanka Golaley xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo galbinaysay Gudoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabellaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle Cabdulaahi Shitaawe.

Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Hir-shabeelle, qaraxa ayaa waxaa ku dhintay xubnihii Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo mas’uuliyiin kale ee kolonyada la socotay.

Xubnaha qaraxa ku dhintay ayaa kala ah Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe ,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha samafalka ee howlgala Shabeellaha Dhexe.

Dhanka ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka baxay Degmadda Balcad ayaa gaaray deegaanka uu qaraxa ka dhacay waana socda gurmad.

Wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay qaraxyada miino, ee inta badan ay sheegtaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.