Home Warar Mas’uuliyiin Ka Tirsan DFS Oo Booqday Dhaawaca Xildhibaan Boorow+Sawirro

Mas’uuliyiin Ka Tirsan DFS Oo Booqday Dhaawaca Xildhibaan Boorow+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxa ay isbitaalka ku booqdeen Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xeray gaarigiisa.

Booqashada ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayey labada golle ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku booqday Xildhibaanka isbitaalka ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaanka.

Dhamaan masuuliyiintii booqday xildhibaan Booroow ayaa Alle ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyay.

Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) ayaa xalay ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka ee Magaalada Muqdisho.