Home Warar Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Sh Hoose oo Hoygiisa Lagu Dilay

Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Sh Hoose oo Hoygiisa Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ragg Hubeysnaa ayaa Hoygiisa ku weeraray Gudoomiyihii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey).

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, ragga hubeysnaa ayaa Bambo Gacmeed ku weeraray Hoyga Gudoomiyaha, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray,waxaana loo soo qaaday Magaaladda Muqdisho wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku yaala.

Waxaa weerarka dhaawacyo ay kasoo gaareen Labo Ruux oo la joogay Gudoomiyaha.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ka hadlay dilka Cumar Carabey ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid gudoomiyaha Arrimaha Bulshadda.

Waxaa uu sheegay isagoo la hadlay VOA  in Cumar Carabey uu ahaa shakhsi fir fircoon, oo ka qayb qaatay hawlo badan oo laga fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose,islamarkaana dilkiisa ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.