Home Warar Qarax Labaad oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Labaad oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Mas’uul ka tirsan maamulka Degmadda Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo la doonayay  in lagu qaarijiyo.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Shaneemo Cabdi Waayeel  Degmadda Heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka waxaa qaraxaan lala beegsaday Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa Abshir Kaaraan oo xiligaas halkaas marayay waxaana la sheegay in uu ka badbaaday.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Degmada Heliwaa iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaan,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xili saakay qarax lagu dhajiyay gaari uu ka dhacay Xaafadda Taleex Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho,waxaana ku dhaawacmay labo ruux oo gaariga saarnaa.