Home Warar Mareykanka oo War Kasoo Saaray Weerar Lagu Qaaday Al-Shabaab

Mareykanka oo War Kasoo Saaray Weerar Lagu Qaaday Al-Shabaab

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Mareykanka u qaabilsan geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM ayaa waxaa ay sheegeen in duqeyn ay todobaadkan kageysteen deegaanka mubaarak ee gobolka shabeelaha hoose ay ku dileen labo xubnood oo katirsanaa Alshabaab.

Bayaankaan kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid kamid ah xubin katirsan Alshabaab ay ku dhaawaceen weerarkaasi iyagoona sheegay in waxyeelo kale aysan kasoo gaarin dad shacab ahaa oo halkaasi kusugnaa intii uu socday howlgalkaasi.

Dhinaca kale hadalkan  kasoo baxay mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashanayeen qaar kamid ah ciidamada dowlada soomaaliya taa oo sababtay in uu weerarkaasi ku geeriyoodo mid kamid ah ciidamada dowlada balse aysan weerarkaasi waxyeelo kasoo gaarin ciidamada mareykanka ee ku garabsiinayay weerarkaasi.

Tan iyo sanadii aynu kasoo gudubnay madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu kordhin doono duqeymaha ay labartil maameed sanayaan fariisimaha ay Alshabaab ku leeyihiin guud ahaan soomaaliya iyadoona inta badan ay waxyeelo kala duwan kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ka agdhow goobaha ay duqeynta ka geysanayaan.