Home Warar Mareykanka oo Walaac ka Muujiyay Kalsooni Kala Noqoshadii Xasan Kheyre

Mareykanka oo Walaac ka Muujiyay Kalsooni Kala Noqoshadii Xasan Kheyre

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Mareykanka ayaa waxay walaac xoogan ka muujisay tallaabadii, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ay kalsoonida ugala noqdeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tani kaga sii dari doonto xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Arrintan waxa ay cirka ku sii shareereysaa xiisadda siyaasadeed, isla-markaana waxay carqaladaynaysaa wadahadaladii bilowga ahaa, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa wax burburiya oo doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida,dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka.” Ayaa Yir qoraalka.

Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, hay’adaha, iyo daneeyayaasha inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda halkii ay ka raadin lahaayeen danaha shaqsiyadooda, inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan dhisidda is-afgarad ballaaran.

Waxaan ka qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah kuwa wax laaya ee doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, maamul loo dhan yahay, iyo barwaaqo. Ma doonayno in Soomaaliya ay ku socoto jihada qaldan.

Mareykanka ayaa weli ah wadashaqayn adag oo daacadnimo leh dadka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaashaas sii wada laakiin danaha ugu wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed marka hore.