Home Warar Mareykanka oo Sheegay in La Dilay Sarkaal Al-Shabaab Ka Tirsanaa

Mareykanka oo Sheegay in La Dilay Sarkaal Al-Shabaab Ka Tirsanaa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Duqeyn Diyaaradeeda Drone-ka ay ka fuliyeen Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika,duqeynta ayaa lagu dilay xubin ka Tirsan Shabaab,balse aan magaciisa la sheegin.